Saameynta Technology-yaddu ku leedahay bulshada

Hormarka tiknoolajiyadda wuxuu ahaa mid cajiib ah dhowrkii sano ee la soo dhaafey, fahamka saameynta togan iyo saameynta taban ee tiknoolajiyaddu bulshada ku leedahay waa muhiim, Marka kowaad waxaan isku dayaya in aan qeexo technology waxa ay tahay.

 Waxan ku qeexi kareyna technology waa mashiinada iyo qalabka la sameeyey ama la soo saarey iyadoo la adeegsanayo aqoonta sayniska tusaale computers-ka, taleefanada, tv-yada, internet-ka iyo qaar kale oo badan.

Waxaan doodi ka taagneyn dhamaantood in aan ka faa’iidney isticmaalkood haddan waxaan caad saareyn faa’iido kasto oo ay leeyihiin in ay barbar socoto dhibaato ay bulshada ku hayaan. Qormadan waxaan ku dul istaagi doona saameynta togan (Positive effect) iyo saameyta taban (Negative effect) ee tiknoolajiyaddu-yadu ay bulshada ku leedahay.

Isticmaalka technology-yadda aan u isticmaalno nolal maalmeedkeena

Computers-ka, taleefanada iyo internet-ku waxay ka mid noqdeen waxyaabaha nolal maalmeedkeena aan u isticmaalo, nolashii caadiga ahayd ayey ka mid noqdeen, dadka intooda ugu badan miyi iyo magaalaba, kii waxbaranayey (arday) iyo kii xoolaha dhaqanayey, kii shaqeynayey iyo kii baaga muudada ahaa (shaqo la’aan) dhamaan waxaa la wada isticmaalaya taleefoon. Kahor inta aana ka hadlin saameynta tiknoolajiyaddu ku leedahay bulshada, waa in aan marka kowaad fahanaa sababta ay muhiim ugu tahay nolal maalmeedkeena. Waxaan  qormadaan ku soo koobaya waxyaabaha technology-yada aan nolol maalmeedkeena aan u isticmaalno;

  1. Waxbarasho: maantey hadad isku hesho computer ama taleefoon iyo internet waxaad baran karna cilmi kasta oo aad u baahan tahay, macalin iyo fasal aadan wali si toos ah u tagin ayaad wax ka baran kartaa, cashar kasta oo aad u baahan tahay ayaad Youtube-ka ka soo daawan karta. Iskuulada iyo jaamacaduhu mantey kama maarman computers si ardayda iyo macalimiintuba ay casharadooda iyo shaqooyinkooda guryaha u soo diyaarsaddan.
  2. Weynu ku wada xirirna: bal qiyaas maalintii inta aad agabka technology- ga isticmaasho si aad bulshada qeybaheeda kala duwan ula xiriirto ama adiga la guula soo xiriiro. Intee jeer ayaad maalinti wax wacna ama adiga lagu soo waca, fariin dirta ama adiga laguu soo dira. Ogow waxaad isticmaaleysid waa wax soo saarkii iyo agabkii technology- yada.
  3. Ganacsiyada iyo bangiyada yaa isticmaala: inta ugu badan ganacsiyada gaar ahaan ganacsiyada waa weyn iyo bangiyaduba waxay isticmaalkaan agabka technology-yada sida computer, taleefoon iyo internet si ay macaamiishooda ugu adeegaan, wax u soo iibsadaan, waxa iskaga iibiyaan iyo si ay xogtooda iyo dhaqdhaqaaqooda ganacsi  iyo lacageed ee ay sameeyeen ay  u qortaan.
  4. Ganacsiga danabeysan (E-Commerce): waayadan dambe waxaa Soomaaliya iyo guud ahaanba caalamka ku soo badanaya ganacsiga E-commerce.  Waa ganacsi qofku alaabtiisi suuqa keenayo oo soo iib geynaayo asagoo isticmaala computer iyo internet kana iibinaya qof meel kale ama aduun kale jooga.  Ganacsigaan wuxuu fududeeyey shaqooyinka wax soo iibsiga (buying) iyo wax iska iibinta (selling).  Macaamiishu waxay isticmaalaan computer iyo internet si ay ula xiriirayaan iibiyayaashi (suppliers, sellers or producers), iibsiyayaashina waxay isticmaalaan computer iyo internet si ay u ogaadaan dalabka ay heleen ugana jawaabaan dalabka.
  5. Goobihii caafimaadka, xarumihii dowladda iyo xarun kasta oo adeeg bulsho ka socdo ayeynu u isticmaalna.

aameynta togan(Positive effect) ee technology-gu ku leeyahay bulshada

Falanqeynta saameynta togan ee tiknoolajiyaddu ay ku leedahay bulshadda aad ayey muhiim u tahay anigoo dhinacyo kala duwan ka eegaya ayaan dhowr kan qodob ku soo koobaya;

  1. Waanu ku wada xirirna: isku helidda la isku helay taleefon, computer, internet  iyo adeegyada kale ee weheliyey internet-ka (email, face book, whatsapp iwm) waxay fududeysay in ay dadku si fudud u wada xiriiraan oo xogta ay rabaan is dhaafsadaan waliba si qarsoodi ah. Dib u milicso labaatan (20) sano ka hor ama dhowr iyo toban sano ka hor xaaladdu siday ahayd, Taar (telegraph) ayaa lagu wada hadli jirey, xogta la is dhaafsanayaan qarsoodi ma ahayn, sido kale waraaqo ayaa la isku qori jirey iyadoo qofkii loo direy (receiver) ay ku qaadan jirtey muddo in uu fariintii helo, in uu ka soo jawaab celiyana muddo kale ayey qaadan jirey.  Technology-yadu waxay fududeysa qoysaska iyo dadka asxaabta ah ee daafaha caalamka jooga in ay si fudud ku wara xiriiraan.
  2. Xog beynu isku dhaafsana ( ku wadaagna): waxaa aad u fudud waqtigaan in xog la wadaago, waayadii hore wey adkeyd in xog si fudud loo helo, waxaa badanaa la dhageysan jirey raadiyaha (BBC iyo warbaahinta kale) oo waliba saacado kooban soo gali jirey. Waqtigan la joogto dhacdo kasta oo caalamka ka dhaca si fudud ayeynu ku ogaana, waxaana inoo fududeeyey waa helitaanka technology-yada.
  3. Waa madal aad ku baran kartid saaxiibo cusub iyo dad cusub: bal qiyaas imisa qof oo aadan wali arag ayaad asxaab tihiin oo aad baraha bulshada iska barateen, xog wadaagtaan, wax kala faa’iideysataan, xirir fiicana idinka dhaxeeya. 
  4. Tiknoolajiyaddu waxay fududeysay wax iibsiga internet-ka: hormarka laga sameeyey tiknoolajiyadda ayaa u sahashay dad badan in ay galaan internet-ka taas oo keentey in wax iibsiga online-ka ah noqdey mid ka caansan sidii hore. Waqtigan dadku waxay aad u doorbidaan in ay wax ka iibsadaan internet-ka iyagoo aan tagin goobti ganacsiga.
  5. Tiknoolajiyaddu waxay kor u qaadey waxbarahada: mid ka mid ah meelaha aadka looga faa’iideystey tiknoolajiyadda, aadkana u hormarey dhowrkii sano ee la soo dhaafey waa waxbarashada. Xaqiiqdi tiknoolajigu faa’iido ayuu u leedahay aadna waa u saameysay waxbarashada. Tusaale waqtigii COVID 19, waxaa gabi ahaanba la xirey goobihii waxbarashada, ardayda dugsiyada sare ee reer Puntland waxay aad uga faa’iideysteen barnaamij ay hirgalisey wasaaradda waxbarashada  ee ahaa barnaamijka diibiska casharada, ardayduna ay casharadooda kala socdeen Youtube-ka iyagoo gurigooda jooga. 

Saameynta taban(Negative effect) ee technology-yadu ay ku leedahay bulshada

  1. Dhibaato bulsho: waayadan dambe waxaa aad u soo badanaya baraha ay bulshadu isticmaasho (social media)  sida Facebook, Tiktok, Telegram iyo qaar kale oo badan, waxaa soo batay waxyaalo aan horey bulshada uga dhex jirin sida qoysas wada jooga oo inta ay wada joogana nolashooda khaaska ah bulshada la wadaagaya, marka ay kala tagaana ceebahooda iyo nolashoodii gaarka u ahayd bulshada la wadaagaya, waxaa sido kale oo batay sawiro iyo muuqaalo aan habooneyn, waxaa soo baday cayda iyo waxyaalo fara badan oo dhaqanka bulshada ka hor imaanaya. Isku soo duubo barasha ay bulshadu isticmaasho waxaa ku doorsoomey (isbadaley) gabi ahaanba dhaqankii suubana ee umadda Soomaaliyeed.
  2. Dhibaato caafimaad: computers-ka iyo technology-yada kaleba waxay waxyeeleeyaan caafimaadka qofka haddi uu qofku muddo dheer dul fadhiyo, waxay wax yeeleeyaan araga qofka, waxay ka dhigaan qofki mid iska fadhiya oo aan dhaqdhaqaaq jimsi aan sameyn, waa waxyeelo caafimaadka guud ee qofka .
  3. Waqti lumis: bal qiyaas maalin kasta waqtiga kaaga luma isticmaalka taleefankaaga,daawashada TV-ga, Facebook-ga, Tiktok-ga, WhatsAps-ka iyo baraha kale ee bulshadu isticmaasho. Inteena ugu badan maalintii marki labo loo kala qeybiyo meel ka mid ah waxay ugu baxda isticmalka taleefanka iyo baraha bulshada taas macnaheedu waxaa weeye cimrigaaga meel ka mid ah ayaad ku bixisey isticmaalka Technology-yada.
  4.  Dhaqankii oo is badaley:  isticmaalka agabka technology-yada bulshada Soomaaliyeed waxay ka dhaxashay isbadal ku dhacay dhaqanka, waxaa soo batay dhaqamo bulshada Soomaaliyeed aysan horey u lahayn, anshax xumo, fadeexo qof sharaftiisa laga fadeexeeyo iyo ceebayn bulsho.
  5. Shaqo lumis:  markii laga hadlayo wax soo saarka waxaa jira labo nidaam oo la isticmaalo kan kowaad waa in shaqaale la isticmaalo (labor intensive method) kan labaadna waa in qalab la isticmaalo (capital intensive method). Si kastaba ha ahaatee isticmaalka mashiinada booski bini’aadamka waxay abuuri karta shaqo la’aan.

Gabo gabadii

Waa in aan baranaa isticmaalka tiknoolajiyadda sababtoo ah waa arrin muhiim u ah nolasheena, waa in aan naqaana  ka faa’iideysigeeda inagoo yareyneyna khasaaraheeda, waxaan shaki ku jirin tiknoolajiyaddu in ay tahay seef labo af leh.

Sanadihii u dambeeyey tiknoolajiyaddu waxay ku koreysay xawaare deg deg, waxaan macquul ahayn in la fuliyo hawl ayadoo aan la isticmaaleyn tiknoolajiyadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *