Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay ka mid noqoshada East Africa Community?

Madaxda Bulshada Bariga Africa oo ka qeyb galay shir madaxeedkii 23-aad ee hogaamiyayaasha bulshada Bariga Africa oo ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tanzania ayaa Soomaaliya si rasmi ah ugu ogolaadey ka mid noqoshada ururka bulshada bariga Africa(East Africa Community) taas oo Soomaaliya ka dhigeysa wadanka sideedaad (8-aad).

Soomaaliya ayaa loo ogolaadey in ay noqoto xubinta sideedaad ee midowga bulshada Bariga Africa (East Africa Community) 24 November 2023, muddo kadib ku soo biiridii ugu dambeysay ee jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ay ku soo biirtey ururka.

Bulshada Bariga Africa (East Africa Community) waa urur goboleed horey ugu koobnaa todobo wadan oo kala ah; Kenya, Rwanda, Burundi, Tanzania, Uganda, DR Congo, South Sudan iyo Soomaaliya oo hadda ka mid noqotey.

Gudoomiyaha ururka ee xilka ka degaya, madaxweynaha wadanka Burundi Evariste Ndayishimiye ayaa sheegay in madaxda dowladuhu (wadamada ururka Bariga Africa ku mideysan) ay isku raaceen in Soomaaliya ay si rasmi ah uga mid noqoto ururka, kadib shir albaabadu u xirna oo qaatey in ka badan shan saacadood.

Madaxdii goobta ka hadashay ayaa bogaadiyey muhiimadda ku soo biiritaanka Soomaaliya ay u leedahay is dhexgalka Africa iyo fududeynta hirgalinta ganacsiga xorta ah ee qaaradda Africa (AFCFTA). Waxaa kaloo dardaarankii madaxda ka mid ah “aynu maalgashano kaabayaasha dhaqaalaha, waa laga yaaba in aan soo daahney laakiin waa ka wanaagsanan doona sidii aynu ahayn.

Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa sheegay in ku biirista ururka ganacsiga gobolka ay rajo wanaagsan u tahay Soomaaliya, wuxuu sheegay in ay u tahay mustaqbalka fursado iyo barwaaqo”

Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtey in ay danayneyso ku biirista East Africa Community sanadkii 2012-kii, balse waa loo diidey sababo la xiriira dhibaatooyinkii amni ee gudaha wadanka ka jirey iyo iyadoo xiligaas aysan jirin jawi degan oo sharci iyo mid siyaasadeed oo wadanka si rasmi ah uga hirgaley.  si loogu ogolaado wadamada cusub ka mid noqoshada ururka waa in wadamadu muujiyaan in ay u hogaansanyihiin maabaadi’da dowladda wanaagga, dimuqraadiyadda, ku dhaqanka sharciga, ilaalinta  xuquuqda aadanaha iyo cadaaladda.

Ku soo biiridda Soomaaliya ee East Africa Community wuxuu u gogol xaarayaa soo galitaanka dalalka dariska ah sida Eretria iyo Jabuuti, iyadoo sido kale lala beegsanayo qorshaha balaarinta East Africa Community wadamada bariga Africa oo dhan oo ay ku jiraan Ethiopia iyo Sudan.

faa’iidooyinka Soomaaliya ay ka helayso ka mid noqoshada  East Africa Community

  1. Ka mid noqoshada Soomaaliya ay ka mid noqotey ururka wadamada Bariga Africa waxaa la filaya in uu fududeyn doono isku socodka, isdhexgalka iyo ganacsiga Bariga Africa.
  2.  Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer Africa oo dhererkeedu yahay 3,000Km, taas oo isku xirta Africa iyo wadamada Carabta, xeebtaas oo uu gobolku ka faa’iideysan doono si kor loogu qaado ganacsiga gobolka.
  3. Ku biiritaanka Soomaaliya ay ku biirtey ururka Bulshada Bariga Africa waxay faa’iido dhaqaale u yeelan doonta dalka Soomaaliya iyo dalalka darisk la ah. Faa’iidooyinka waxaa ka mid ah dhimista ama yareynta canshuuraha iyo caqabadaha kale ee ganacsiga.
  4. Waxaa laga faa’iidi doona hormarinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee hor u qaadaya ganacsiga iyo isku socodka iyadoo la isku xirayo dowladaha ku midowbey ururka Bariga  Africa.
  5. Ganacsatada Soomaaliya waxay heli doonaan fursado badan oo maalgashi, taas oo fududeyn doonta culeysyada bulsha iyo dhaqaale ee bulshada Soomaaliyeed heysta. Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa hoos u dhacay ganacsiyada iskaga gudbaya xaduudaha dalalka dariska ah sababo la xiriira amni darro ay sababeen dagaaladii ee wadanka ka aloosna.
  6. Muwaadiniinta wadamada Bariga Africa waxaa laga dhaafey shuruudaha dal ku galka (visa-ha) waxayna si xor ah ugu kala safraan wadamada ku mideysan ururka bulshada Bariga Africa (East Africa Community).
  7. Ku biirista East Africa Community waxay Soomaaliya u keenaysa faa’iidooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin fursadaha ganacsiga, iskaashi amni iyo wada shaqeyn dhex marta wadamada ku bahoobey ururka bulshada Bariga Afrcia.
  8. East Africa Community waa suuq ay ku noolyihiin dad gaaraya 300 oo milyan kaas oo ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto kheyraadkeed badda, qudaarata iyo xoolaha nool intaba.

Caqabada ugu weyn ee Soomaaliya kala kulmi doonto ku biiritaanka East Africa Community waa muwaadiniinta dalalka  ku mideysan ururka waxaa laga dhaafey dal ku galka (visa-ha) waxayna si xor ah ugu kala safraan wadamada East Africa Community, wadamada qaar ayaa waxay ka cabsi qabaan in ay sahlanaato u soo gudbidda kooxaha hubeysan ee ka dagaalama gudaha wadanka Soomaaliya. Caqabadaha kale ee wadama qaar ka walwal qabaa waxaa soo gudbinta iyo ka gancsiga alaabaha aan sharciga ahayn iyo hubta.

Su’aasha taagan ee jawaabta u baahan, bulshada Soomaaliyeed ma la mid noqon doonta shacabka wadamada ku mideysan East Africa Community oo dal ku gal la’aan ma ku tagi karaan wadamadaas?

Passports-ka dalalkas Waa East Africa Community oo dib looga darey wadanka magacasiisa tusaale Passport-ka Kenya magaciisu waa East Africa Community, Republic of kenya, kan Soomaaliya ma noqon doona East Africa Community, Federal republic of Somalia?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *